Xubnaha maamulka khaatumo state oo maanta la shaaciyay 19 Jan 2012 Waxaa maanta magaalada Taleex lagaga dhawaaqay xubnaha golaha madaxtooyada iyo golaha wasiirada ee majaraha u qaban doona maamul goboleedka Khaatumo state of Somali.Xubnaha maanta la shaaciyay ayaa waxaa kala yihiin sidan
Wadaadada diriraya ma wada saxanyihiin?. W/Q: Axmed C/samad 17 Jan 2012 Waa qoraal aan sannadkii 2009kii u qoray qaar ka mida asxaabtayda oo wax iga weydiiyey loolankii ka dhex socdey wadaadadii horey ugu wada jirey maxaakimta iyo muqaawamada, xilligaas oo uu socdey dagaalkii Kismaayo ee Al- Shabaab iyo Xisbul islaami. Maadaama ay suuleen cilladihii aan xilliyadaas uga gabbaday waxaan jeclaystay inaan hadda faafiyo qoraalo kani ka mid yahay oo aan xilliyo kala duwan u qoray rag aan asxaab ahayn
Faarax Macalin oo Hargeysa tagay, kana hadlay colaada Buuhoodle(Dhageyso) 17 Jan 2012
Gudoomiye kuixgeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa ka dagay Hargeya, wuxuuna ku baaqay in nabad lagu xalliyo xiisadda Sool iyo Sanaag.Faarax ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in dadka Soomaali isku gacan qaadaan meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna sheegay in la joogo wakhtigii xal lagu dhameyn lahaa wixii dhibaato ee jira.
Shirkii Taleex oo lagaga dhawaaqay maamul goboleed cusub 16 Jan 2012 Waxaa maanta Dood adag kadib lagu ansixiyey dawlad goboleedka Khaatumo State Of Somalia, ayaa waxay u dhacday si aad u heer saraysa, waxaana si xigmadaysan loo Asteeyey qaab dhismeedka dawladda Khaatumo ee SSC yeelan doonto.
Yusuf Xaaji:Qorshaha nooguma jirto inaan Kismaayo qabano 16 Jan 2012
Wasiirka Difaaca ee dalka Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo wareysi siiyay wargeyska The EastAfrican ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay weerarto magaalada Kismaayo ilaa iyo inta ay dhaqaale ka helayso Beesha Caalamka.
Jilib oo la duqeeyay 15 Jan 2012
Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dal laga leeyahay ayaa duhurnimadii maanta duqeeyay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe iyadoo sida lagu soo waramayo diyaaraduhu bartilmaameydsadeen xarun la yiraahdo Shakhaawediin oo kutaala gudaha magaalada Jilib.
Cali Khaliif Galeydh: Siilaanyo Isma Hortaagi Karo Qadiyadda SSC(Dhageyso) 14 Jan 2012 Prof. Cali Khaliif Galeydh, ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaalia oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeybgalaya shirka Taleex ayaa si weyn u qaadacay hadalka madaxweynaha Somaliland ee uu ku sheegay in shirka Taleex ay soo abaabuleen koox Qaswadayaal ah.
Si walba u Dil W/Q Sheekh Axmed Cabdisamad 14 Jan 2012 Sheekh Abuu xassaan baa qoray maqaal uu ku suntay “Iska dil” , anigu waxaan ka fahmay muslimka sabab iyo sabab la’aanba iska dil, laakiin maqaalku kama hadlin in dadka la iska dilayo dhinac walba laga dilayo, si walbana loo dilayo; Sidaa darteed waxaan jeclaystay in aan qormadan qeybteeda koowaad ku soo bandhigo siyaabaha kala duwan ee xarakada AlShabaab ay shacabka Soomaaliyeed u disho, waxaana rajeynayaa in aan qeybteeda labaad ku soo bandhigo dhinacyada kala duwan ee ay ka dilaan shacabka.
Silaanyo oo sheegay inuusan aqbali doonin kala go'a Somaliland 14 Jan 2012
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo maanta khudbad sanadeedkiisi jeediyay ayaa sheegay in la marin-habaabiyay shirka ka socda degmada Taleex ee ay beelaha deegaannadaasi isugu yimaadeen, isagoo tilmaamay in aysan aqbali doonin in Somaliland ay kala go'do.
Shabaabka oo shaaciyay inay gacanta kuhayaan saraakiil Kenyaan ah(warsaxaafadeed) 12 Jan 2012
Xarakada Alshabaab ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay inay ka dambaysay weerarkii xalay kadhacay deegaanka Geriiley ee koonfurta magaalada Wajeer halkaas oo sida ay sheegeen ay ku dileen 7 kamid ah ciidamada Kenya halka tiro kalena ay soo qafaasheen.Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in goor dhow ay soo bandhigi doonaan magacyada saraakiisha ay qafaasheen.Warsaxaafadeedka oo dhameystiran halkan ka akhri.
Askar Kenyaan ah oo weerar lagu dilay 12 Jan 2012
Maleeshiyo hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa weerartay saldhig ciidan oo ku yaala deeganka Gerilley ee koonfurta degmada Wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya halkaas oo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 3 askari halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.
Soomaali muhaajiriin ah oo ku dhimatay dalka Tanzania 06 Jan 2012
Inka badan 20qof oo muhaajiriin soomaali ah ayaa ku geeriyootay dalka tanzania , kadib markii ay ku cabburmeen booyado lagu qariyay, sida laga soo xigtay Booliska dalkaasi. Muhaajiriintaasi oo doonayay inay si sharci darro ah oga gudbaan dalka tanzania ayaa waxaa meydkooda laga helay meel qashin qub ah oo ku taalla gobolka morogoro oo 200km galbeed ka ka xiga magaalada dares-salaam.
AMISOM oo Codsanaysa Ciidan Dheeri ah 05 Jan 2012
Midowga Afrika ayaa isu diyaarinaya inay xoojiyaan olalahooda milateri eek a dhanka Kooxda Al shabaab, waxayna ka dalbanayaan golaha amaanka ee QM in kor loo qaado tirada iyo awooda ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Somalia ee AMISOM.Toddobaad ka dib ayaa Midowga Afrika uu Golaha Ammaanka ka codsan doonaa in tirada AMISOM ee Somalia laga dhigo 17,700 oo askari.
Jaamacad bixinaysa deeq waxbarasho oo laga furay Malaysia 04 Jan 2012 Jaamacadan cusub waxaa lagu magacaabaa Albukhary International University (AIU), waxayna ku taalaa magaalada Alor Setar oo ah caasimada gobolka Kedah ee waqooyiga Malaysia. Ardaydii ugu horeysay waxaa la qaatay 29 November 2010, tiradooduna waxay ahayd 128 arday, kana kala yimid 24 wadan.
Diyaarado duqeeyay duleedka Baardheere 03 Jan 2012
Laba diyaaradood oo nooca miiga ah ayaa maanta duqeeyay deegaanka wartaraka oo qiyaastii 40km ujira magaalada Baardheere, waxaana lagu soo waramayaa in duqeyntaas ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 20-tameeyo ruux oo katirsan oo katirsanaan xarakada Alshabaab, halka tirada dhaawucuna ay intaas kor u dhaafayso.
Aid agencies review security at Dadaab following wave of murders 03 Jan 2012
Security details at the Dadaab refugee camps in northeastern Kenya are being reviewed following the fatal shooting of two leaders of Community Peace and Security teams (CPST) in less than a week, aid agencies operating in Somalia have said.
Alshabaab oo sheegay in dhinacyo badan dagaal lagaga furay 01 Jan 2012
Hogaamiyaha Xarakada Al Shabab, Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa sheegay in dagaalo saf ah loogaga furay jihooyin badan oo dalka Soomaaliya ah.Abu Zubeyr oo wareysi siiyey idaacada ku hadasho codka Al Shabab ee Al Andalus ayaa sheegay in olole dagaal oo ay wadaan waxa uu ugu yeeray dowladaha Saliibiga ee Soomaaliya dariska la ah ku soo qaadeen.
Garissa oo caawa dad lagu laayay, geeridu waa 5 dhaawcuna waa 25 01 Jan 2012
War deg deg ah oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in niman hubaysan oo aan haybtooda la garanaynin ay goor dhawayd 5 ruux ku dileen magaalada Garissa halka 25 kalena ay ku dhaawaceen.Dadka la laayay laba kamid ah waa soomaali, nin rayid ah iyo mid askari ah.Ninka rayidka ah ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi xasan Guure halka ninka askariga ah ee geeriyoodayna magaciisa lagu soo gaabiyay Cismaan.Faahfaahinta warkan deg dega ah kala soco wararkaanaga dambe.
Beledweyne oo Bandow Lagu soo Rogay 31 Dec 2011
Xaaladda Beledweyne ayaa imika degan kaddib markii maanta magaalada ay la wareegeen ciidamo huwan ah oo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali. Magaalada ayaa waxaa lagu soo rogay bandow waxaana la joojiyay dhaq-dhaqaaqa iyo isu-socodka.
Kenya Ma Weerari Karto Kismaayo, Balse Itoobiya Waa Qabsan Kartaa Beled-Weyne! WQ Dr.Cabaas 31 Dec 2011
Kenya oo ogolaansho ka haysata DKMG ee Soomaaliya ayaa ciidamo u soo dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar 2011 si ay ula dagaalamaan Alshabaab, balse waxaa isla markiiba faragalinta Kenya ka hor yimid madaxweyne Sh.Shariif, Golaha Dhaqanka Odayaasha beesha Hawiye, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Soomaali kale.
MSF oo shaqaale looga dilay Muqdisho 29 Dec 2011
Nin hubeysan ayaa rasaas ku dilay sarkaal ka tirsan MSF Belgium ee magaalada Muqdisho.Dhowr ruux oo kale ayaa goobta lagu dhaawacay.Ninka la dilay dhalashadiisa lama sheegin, waxaase lagu tilmaamay in uu yahay ajnebi.Nin kale oo isaguna ajnebi ah ayaa la sheegay in weerarkan lagu dhaawacy.Dadka qaar waxay tuhunsan yihiin in ninka rasaasta furay uu ka mid a yahays ahqaalaha hey'adda, haddna gacanta lagu dhigay.
Troubled Ethiopia-Somalia history haunts Horn of Africa 29 Dec 2011 NAIROI (Reuters) - Five hundred years ago, an Imam who ruled much of what is now Somalia, led a daring invasion of Christian Ethiopia, looting monasteries, burning down churches and slaying all who resisted.Centuries on, memories of Imam Ahmad Gragn aka Gurey still haunt both countries, and echoes of that long and bloody history still ripple across the Horn of Africa region which considers Somalia the greatest threat to its stability.
Midowga ardayda dawlad deegaanka somalida Ethiopia ee Malaysia(warbixin)) 27 Dec 2011 Midowga ardayda dawlad deegaanka somalida Ethiopia ee Malaysia.Waxaa illahay mahadii ah in uu noo qabsomay shir kaas oo lagu doranayay madaxwayne kaas oo ay doranayeen gudoomiyayaasha jamacadaha kala gadisan ee dalkan Malaysia.
Suxufiyiintii Ree Sweden oo lagu xukumay 11 sanno oo xadhig ah 27 Dec 2011 Maxkamad kutaala magaalada AddisAbaba ayaa xukun ku riday labadii suxufi ee u dhashay dalka Sweden kadib markii sida maxkamadu shaacisay lagu helay dambi ah inay taageerayaan urur argagixiso ah kuna galeen Ethiopia si sharci daro ah.
Uuur Doox Qaybtii 2-aad W/Q Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar 25 Dec 2011 Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii faallooyinka ,dhiiri gelinta iyo ducooyinka ii soo diray Allaha idinka abaalmariyo.Waxaan Allah ka magangalayaa in aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo in aan sibxado ama la I sibxiyo ama aan lumo ama la I lumiyo (waa ducooyinkii nabiga scw).
Dowlada Britain oo go'aansatay inay farageliso siyaasada Somalia(warbixin) 25 Dec 2011 Iyadoo Dowlada UK ay u aragto in qorshihii LIBYA lagu guuleystay lagana gaadhay hadafkii laga lahaa ayaa waxay hada go'aansatay inay usoo jeedsato dhanka Somalia oo ay u aragto in xasilooni darida halkaa kajirta ay khatar ku tahay amaanka dalka Boqortooyada Ingiriiska.
Dowladda Kenya oo ka jawaabtay baaqii jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika 24 Dec 2011 Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay baaqii jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika ee ku saabsanaa in ciidamadda dowladda Kenya ee joojiyaan falalka wax loogu dhimayo qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee magaaladda dhadhaab.