Casho Sharaf ayaa Caawa waxay ka dhacday Hotelka Hilton ee Magaalada Addis ababa
Casho sharaf si weyn loo soo agaasimay ayaa caawa waxaa ay Dowladda Ethiopia ku casuumtay Hotelka Hilton wufuudii ka qayb gashay Xafladii maanta ka dhacday Magaaladan Addis ababa wufuudaa oo kala ahaa Xubnihii UWSLF oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha labadiisa ku xigeen iyo Gudoomiyaha Golaha shuurada iyo Xubno kala. Sidoo kale waxaa halkaa lagu casuumay Jaaliyaadkii oo ay ka mid ahaayeen Jaaliyaadka ,Mareykanka, Australia, Yurub, South Afrika, East Africa, iyo Khaliijka sidoo kale waxaa goob joog ahaa Wafti ka socday Maamul goboleedka Puntland. Cashadan ayaa dhanka Dowladda Itoopiya waxaa Joogay Wasiirka Federaalka Dr.shafarow iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Dr. Abay sahay iyo Xubno kale. Waxaa kale oo goobta joogay Madaxda Dowlda degaanka soomaalida oo ay hor kacayeen Madaxweynaha Cabdi maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga C/fataax Sh.Cabdullaahi. Cashada ka hor ayaa waxaa dhacday munaasabad lagu gudoonsiiyay Gudoomiyaha Sh.Ibraahim hadiyad waxaana hadiyadaa guddonsiiyay Dr.shafarow sidoo kale waxaa isna hadiyad taa lamid ah la gudoonsiiyay Axmed Cabdi Aadan oo ka mid ah masuuliyiinta Ururka UWSLf. Kadib waxaa la guda galay cashadii oo halkaa si weyn loogu wada casheeyey oo ay ka muuqato farxad iyo is afgarad dhex maray ay masuuliyiintii halkaa isugu timid. Heshiiskan maanta dhex maray UWSLF iyo Dowladda Itoopiya ayaa ka badali doona xaalada iminka uu ku jiro Degaanka soomaalida iyadoo durbaba laga dareemayo farxad iyo tahniyado badan dhamaan umadda ku nool Degaanka soomaalida iyadoo ay na soo gaadhayaan dhambaalo tahniyado ah. Sidoo kale waxaa na soo gaadhaya dhambaalo hambalya ah oo nag soo gaadhaya dhanka Jaaliyaadka Haddaba hadii aad rabto in aad dhambaal soo dirto ku soo hagaaji Emailka