•   HOME 
  •  MAQAALLADA
  •  SOODIR WAR 
  •  WARAR KALE 
  •  NEWS IN ENGLISH 
  • MEDIA NEWS 
  • ENGLISH ARTICLES
  • CONTACT US @
Shir hordhac iyo diyaargaroowga Saxiixa oo ka dhacay magaalada Addisababa

Shir hordhac iyo diyaargaroow ah oo loogu diyaargaroobayo heshiiska maalinta barito ah lagu kala saxiixan doono magaalada Addisababa ayaa manta niskii hore ka dhacay hoolka shirarka ee Ethiopian Hoteel oo ku yaalla badhatamaha Addisababa. Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen wafuud aad u badan oo isugu jira madaxda ururka, maxaabiistii lasoo daayay , qurba jog iyo aqoonyahano udhashey deegaanka ayaa looga Hadley diyaargaroowga heshiiska maalinta barito ah ay dawladda Ethiopia iyo ururka UWSLF ee ka dhici doona magaalada Addisbaba.

Shirkan waxaa furey Sheekh Ibraahim oo u mahadceliyey kasoo qaybgalayaashii shirka waxuuna warbixin kooban ka dhiibey qaabka wax u socdaan iyo waxyaabaha loo baahanyahay. Sheikh Ibraahim ayaa warbixinta kadib ka jawaabay su aalo badan oo wufuuddii shirka kasoo qaybgashay.

Jaaliyaadka shirka fadhiyey waxay ka kala yimaaddeen waddamada Yurub, Ameerika, south afrika iyo Bariga Afrika iyo waliba waddamada Khaliifka.

Waxaa su aalo kadib hadalkii qaatey Sheekh Maxamed Xaaq oo kamid ahaa maxaabiistii dilka ku xidhneyd ee lasoo daayay isagoo hadalkiisii uu dhaqaajiyey waftgii kasoo qaybgalay shirka. sheekha oo dhafoorkiisu aad u wanaagsanaa ayna wajigiisa ka muuqatay cabis alle ayaa sheegey inuu ku qanacsanyahay qaddarka eebbe isagoo dhanka kalena sheegey ineysan marnaba ku xisaabtameynin in lasoo daynayo balse illaahay mahaddii maanta ay banaanka joogaan.

Waxaa intaas kadib shirka lagu soo dhaweeyey Maxamed Xiis Kalane oo warbixin ka dhiibey safarkii ay ku tageen dalka Kenya bilawgii wadahadalka kadib. Maxamed Xiis ayaa sheegey iney kulamo badan ku qabteen dalka Kenya ayna kula kulmeen dhamaan culimada, dhalinyarada iyo hooyooyinka ee udhaltey deegaanka kuna nool wadanka Kenya. Maxamed ayaa soo gudbiyey salaan iyo duco uu ka wadey dhamaan kulamadii ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada. Jaaliyaadka Ku nool waddanka Kenya ayaa balanqaadey sida uu Maxamed yidhi iney waddankooda kusoo laabtaan isagana aaminaan.

Maxamed Xiis ayaa dhanka kale sheegey iney la kulmeen siyaasiyiinta waddanka Kenya waxayna dhamaan ka sinaaayeen taageerada ay u hayaan heshiiskaas.

Dhanka kale wafuuddii shirka kasoo qayabgalaysey ayaa illaa maannta soo gaadhaya maagalada Addisababa iyagoo kakala imaanaya daafaha adduunka iyadoo shirka maalinta barito ah ka dhacaya Addisbaba ay ku xigi doonaan shirar kale oo ka dhici doona meelo kala duwan. Shirkan oo furmey saacadda addisababa markii ay ahayd 10ka ayaa waxuu dhamaadey 11.30 waxaana loo balamay shirka maalinta barito ah ka dhici doona magaalada Addisbaba oo ay qalinka lagu duugi doono heshiiska kama danbeysta ah


 

09 Sep 2010



06 Sep 2010

06 Sep 2010

01 Sep 2010

01 Sep 2010

MAQAALLO - SOMALI

Somali State Council elects president, speakers03 Sep 2010

Ethiopia denies rebels chased oil, gas firms away03 Sep 2010

International Affairs: Who are the Real Pirates in Somalia?01 Sep 2010

Baytan ow raage iyo Khadra xaaji maxamuud oo wiil ugu dhashay bishaan, magaalada Mombassa ee dalka kenya31 Aug 2010

Full Text: Support for Democracy and Human Rights in Ethiopia Act of 201030 Aug 2010

CIA: Al Qaeda in Yemen Now Biggest Threat 25 Aug 2010

UWSLF reaffirms commitment to speed up dev’t in Somali State 25 Aug 2010

Mogadishu battle rages on after hotel carnage 25 Aug 2010

Somali attack tests peacemakers' resolve 25 Aug 2010

hanbalyo maher FAYSAL AXMED MAXAMED iyo CASHA MAXAMED CARAB oo merkoodu kadhacay dhadhab Kenya09 Aug 2010

Aaqil Axmed Xasan iyo Hayaat oo meherkoodu kadhacay dalka Sweden11 Jul 2010

Open Letter to Chairmen Sheikh Ibrahim and Eng. Maow, By Abdullahi Garrile11 Jul 2010

Abshir Baydhaba Shuuriye oo ku geeriyoodey magaalada Diridhaba10 Jul 2010

Cabdiqaadir iyo Suleekha Cali dhabuuke oo arooskoodu kadhacay dalka sweden29 Jun 2010

TacsiNIMCO CISMAAN YUUSUF AXMED RAABI oo ku geeriyootay magaalada Dhanaan 27 Jun 2010

Cabdirashiid Cumar Aadan(foolbeer) iyo Nasteexo Cabdi Budul oo ku aqalgalay magaalada Garissa20 Jun 2010

Axmednuur Xuseen Dubad iyo Raxma Daahir oo gabadh ugu dhalatay magaalada London19 Jun 2010

Jawaab celinþ By Abuu Cabdalla16 Jun 2010

Muxaadaradii xalay ka baxday masjidu Raxma Nairobi oo dadku aad ula yaabeen10 Jun 2010

JACAYLKII HADHSANWAA QAYBTII 4AAD09 Jun 2010

   
 

 

© 2010 Dhanaan.com All Rights Reserved .

Designed by Somalitech.com