Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya colkii ku soo wajahnaa Afmadow 08 Oct 2009
Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha colkii duulaanka ku soo ahaa Afmadow ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ciidamo khaas ah ay ku baxeen aagagii lagu sheegay in colku ay soo marayaan iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in colkii duulaanka ahaa uu dib u noqday ka dib kolkii ay ka war heleen in ciidamo lixaad leh ay ka soo baxeen Afmadow kuna soo wajahan yihiin.