Dr Cabdi Caydiid Xiireey oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada P.E. 27 Dec 2009
DR Cabdi Caydiid Xiireey ayaa ka qaybgalay kulan balaadhan oo ay soo qabanqaabisey jaaliyaadka Soomaaliyeed ee magaalada P.E ee dalka South Afrika iyadoo halkaas looga tashadey sidii loo dhameystiri lahaa isbitaalka magaalada Dhoobley.Jaaliyadda oo shir balaadhan u qabatay Dr. Cabdi, ayaa shirkaas waxaa hadalo kooban ka jeediyey culuma'udin, masuuliyiinta jaaliyadda, iyo xubnaha jaaliyadda ee gobolka Eastern Cape.