•   HOME 
  •  MAQAALLADA
  •  SOODIR WAR 
  •  WARAR KALE 
  •  NEWS IN ENGLISH 
  • MEDIA NEWS 
  • ENGLISH ARTICLES
  • CONTACT US @
Kulan ballaadhan oo dhex maray Hay'adda SAAD iyo hay'adda Turki ah ee TIKA & iyo Ceelal laga qodi doono Gobolka Shiniile 06 Feb 2012
Kulan ballaadhan ayaa waxa uu ku dhex maray magaalada Addis Ababa Hay’adda SAAD iyo hay’adda ( Turkish Cooperation and Coordination Agency – (TIKA).kulankan oo ka dhacay Xafiiska hay’adda TIKA ee Magaalada Addis ababa uuna goobjoog ahaa gudoomiyaha TIKA Dr. Serdar iyo madaxa xafiiska TIKA ee Itoobiya Mr. Sarad , ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta degaanka soomaalida iyo sidii baahiyaha ka jira loo dabooli lahaa ee dhanka horumarka. Read More ...

Silaanyo oo u ambabaxay Addis Ababa iyo Galeydh oo uga sii horeeya 06 Feb 2012
Wafdi heer wasiiro ah oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Silaanyo ayaa maanta u ambabaxay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa iyadoo ay halkaa uga horeeyaan wafdi kasocda maamul goboleedka Khaatumo state oo uu horkacayo Cali Khaliif Galeydh. Read More ...

Guurtida Beesha Absame ee North America oo ka tacsiyeynaysa shacabkii lagu laayey Gaarisa 06 Feb 2012
Anagoo ku hadlayna magaca Guurtida Beesha Absame ee North America waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhamaan eheladii, qarabadii, ay ka geeriyoodeen allaha u naxariiste Read More ...

Baadhitaan ku socda saraakiil Kenyaan ah oo la sheegay inay la shaqeeyaan Alshabaab 05 Feb 2012
Hay'adaha amniga ee dalka Kenya ayaa waxay baadhitaan ku bilaaben sadax sarkaal oo lagu eedeeeyay inay la shaqeeyaan Xarakada Alshabaab kuwaasoo isuga jira saraakiil militari iyo kuwo Boolis.Warbixin kusoo baxday saxaafada ayaa lagu sheegay in ugu yaraan sadax sarkaal oo midi uu Korneyl yahay ay siyaabo kala duwan ula shaqeyaan Alshabaab. Read More ...

Khilaafku waa sharci ee ha shareysan(Maqaal) 05 Feb 2012
Asc.Marka hore waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheledii iyo qaraabadii aay ka bexeen Regii habeenhore sida xaqdarrada ah loogu xasuuqay magaalada Gaarissa. Waxaan sidoo kale cambaareynayaa ciddii ka dambeeysay.Waxaa igu kalifay soo gudbinta maqaalkan gaaban, kadib markaan arkay isfahamdarrada iyo jahawareerka haysta Bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad iyo sida loogu fashilmay qaabkii loo xalin lahaa. Read More ...

"Dawaco Meeshii ay Macal ugabaratay bay Macaluul ugu dhimataa'':Maamulka Somaliland oo Ethiopia ka codsaday in ciidamada Liyuu Booliska laga qaado xuduuda 04 Feb 2012
Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dacwo ka dhan ah madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia u gudbiyeen dowlada dhexe ee Ethiopia iyagoo sida ay hadalka u dhigeen Dowlad Deegaanka Soomaalida ku eedeeyay inay taageero siinayaan dagaalayahanada Reer Buuhoodle. Read More ...

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo maanta duqeeyay Buulo Xaaji iyo deegaano ku xeeran 04 Feb 2012
Diyaaradaha dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay duqeeyeen fadhiisimo ay xarakada Alshabaab ku lahaayeen Buulo Xaaji iyo deegaanka Xaliimo Cadeeyay iyadoo duqeymahaas ay khasaaro kasoo gaadhay ciidamadii Alshabaab ee goobahaas ku sugnaa. Read More ...

Xidhiidhkii labada Dowladood ee Somalia iyo S/Africa oo dib loo soo celinayo 04 Feb 2012
Kulan ay shalay ku qaateen magaalada Nairobi ee dalka kenya raysulwasaaraha xukuumadda KMG ah ee soomaaliya Dr.cabdiweli maxamed cali iyo mas'uuliyiin ka socotay safaaradda koonfurAfrika eeNairobi ayaa looga wada-hadlay sidii loo soo celin lahaa xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee labada dal. Read More ...

Dabley hubaysan oo dad rayid ah ku laayay Garissa 03 Feb 2012
Wararka deg dega ah ee naga soo gaadhaya Magaalada Garissa ayaa waxa ay xaqiijinayaan in salaadii maqrib kadib ay niman hubeysan rasaas ku fureen dad shacab ah oo kusugnaa maqaaxi kutaal aga gaarka Bigman.Laba kamdi ah dadkii la rasaaseeyay ayaa geeriyootay halka laba kalena la dhaawacay.Labada nin ee geeriyootay ayaa magacyadooda naloogu sheegay Mowliid Cali Digaale, Cabdinuur Xuurshe iyo Yuusuf, halka labada dhaawacantay naloogu kala sheegay Maxamuud Cumar Feen iyo Nuur Sheekh Yuusuf.Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dhaawaca gaadhay Maxamed Cumar Feen uu aad halis u yahay.

UUR DOOX Qaybtii 5-aad:WQ Sh.C/raxman Cumar 03 Feb 2012
Alloow Naga Aqbal Dadaalkeenna iyo Camalkeenna oo Raad Fiican naga reeb (aamiin). Qoraalladan ilaa iyo markaan billaabay waxaa isoo gujinaya xoog aanan garaneeyn halka uu ka imanayo anigoo filaya in Allaha caadilka ah uu ka imanayo xaggiisa, kaasoo I leh “horray u soco wad qoraalada” Sidaan horay u sheegay ujeeddooyinka qoraalladan waxaa kamid ahaa in la ogaado waxa lasoo qabtay si aan loo lumin wax la qabtay ama aan loo doondoonin wax la haysto. Mashruuca Islaamkana halka uu marayo ay kasii wadaan facyaalka soo kacayo insha allaah. Read More ...

Safiirada dalalka Mareykanka iyo UK u fadhiya Ethiopia oo maanta booqday deegaanka Higlaaley ee degmada Dhagaxbuur 03 Feb 2012
Wafdi ka kooban safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa Ambassador Donald E.Booth, safiirka dalka Uk ufadhiya magaalada Addis Ababa ambassador Dorey iyo masuuliyiin ka soctay shirkada shidaalka baadha ee SouthWeast Energy ayaa maanta booqday deegaanka shidaalka laga baadhayo ee Higlaaley halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda DDS oo uu horkacaya madaxweynaha DDS. Read More ...

Alshabaab oo isaga baxay Kudhaa iyo ciidamada isbahaysiga oo ku wajahan 03 Feb 2012
Wararka saaka laga helayo jaziirada Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose oo qiyaastii 180km u jirta magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamadii Alshabaab ee halkaa kusugnaa ee isaga baxeen kadib markii culays kasoo fuulay dhanka Buurgaabo oo qiyaastii 30km ujirta Kudhaa. Read More ...

William Hague visits Somalia's Mogadishu 03 Feb 2012
British Foreign Secretary William Hague drives through Mogadishu, Somalia, in a Kasspir armoured vehicle driven by Amisom troops in a visit to the war-torn country
William Hague has called for renewed pressure against Islamist militants during the first visit to Somalia by a British foreign secretary for 20 years.His arrival in the capital, Mogadishu signals the start of a major diplomatic push to restore stability in Somalia.The British government is holding a conference in London on 23 February to try to find a political solution, and tackle piracy and extremism
Read More ...

Badhaadhe oo kabaxday gacanta Alshabaab iyo afhayeenka Raaskambooni oo ka warbixiyay(Dhageyso) 02 Feb 2012
Ciidamada Raaskambooni oo kaashanaya ciidamada militariga Kenya ayaa maanta la wareegay gacan kuhaynta magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubade Hoose.Ciidamadii Alshabaab ayaa isaga baxay magaalada kahor inta aysan soo gelin ciidamada Dowlada iyo kuwa Raaskambooni.Waa magaaladii labaad ee gacanta Alshabaab ka baxda muda 48 saac gudahood. Read More ...

Ciidamadii Ethiopia ee kusugnaa Gedo oo u ruqaansaday dhanka gobolka Baay 01 Feb 2012
Ciidamo farabadan oo Ethiopian ah oo ay wheliyan kuwo soomaali ahaa ayaa lagu soo warmayaa inay u ruqaansadeen dhanka gobolka Baay.Dadka kusugan deegaanada gobolka Baay ee soo xiga gobolka Gedo ayaa bilaabay inay ka qaxaan deegaanadaas. Read More ...

Diyaaradaha Kenya oo duqeynaya Hoosingow iyo Alshabaab oo isaga baxay Badhaadhe 01 Feb 2012
Wararka deg dega ah ee naga soo gaadhaya gobolada Jubooyinka ayaa noo xaqiijiyay in diyaaradaha helicopter-ka ee dalka Kenya ay goor dhawayd duqeeyeen tuulada Hoosingow oo ah halka ay kusii ruqaansanayaan ciidamada huwanta. Read More ...

Dhaqdhaqaaq militari oo saaka ka bilowday Jubooyinka 01 Feb 2012
Wararka naga soo gaadhaya gobolada Jubooyinka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Raaskambooni iyo kuwa Dowlada KMG oo kaashanaya ciidamada Kenya ay saaka ka ruqaansadeen xarumihii ay ku sugnaayeen waxaana lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqeen dhanka magaalooyinka Badhaadhe iyo Hoosingow. Read More ...

War hits Kenya's bid to expand waters 31 Jan 2012


Kenya is currently listed number 35 in the UN Commission on Limits of the Continental Shelf list. The commission has only looked at applications of only 15 applicants. But sources say Kenya could overtake some earlier applicants who still have border disputes with their neighbours.
Read More ...


Siyaasiyiinta ugu caansan Somaliland oo walaac ka muujiyay sii jiritaanka maamulka Somaliand(Dhageyso) 30 Jan 2012
Maamulka Somaliland ayaa waxaa soo foodsaartay khal khal iyo mugdi siyaasadeed kadib markii laba maamul goboleed lagaga dhawaaqay galbeedka(Awdal state) iyo bariga(khaatumo state) dhulkii ay horay ugu suntadeen Somaliland.Khalkhalkan siyaasadeed ee Somaliland soo wajahay ayaa waxay ka muuqataa khudbadaha iyo wareysiyada ay jeedinayaan madaxda xukumada iyo xisbiyada Somaliland, waxaana u dambeeyay wareysigii mooraal jabka ahaa ee uu bixiyay gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ee taabanayay dhinacyada badan Read More ...

Daawo xarunta cusub ee China u dhisay ururka Midowga Africa 29 Jan 2012

African Union inaugurates its new HQ in Addis Ababa 29 Jan 2012
The African Union inaugurated on Saturday its 200 million USD project newly built headquarter in Addis Ababa funded by China as a gift to the AU.In front of African leaders including Prime Minister Meles Zenawi a huge golden key was handed over and the 100m high building was officially opened. Read More ...

Madaxda dalalka Midowga Africa oo shir maanta uga furmay Addis Ababa 29 Jan 2012
Madaxda dalalka Africa ayaa maanta shir uga furmay xarunta cusub ee ururka Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa,kaasoo lagaga arinsanayo mushkiladaha kajira Africa khaasatan dhibaatada Somalia. Read More ...

Wafdigii uu hogaaminayay Cali Khaliif Galaydh oo Jigjiga loo soo gudbiyay 29 Jan 2012
Ciidamada gaarka ah ee Dowlada Deegaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ayaa si nabad ah kusoo gudbiyay waftigii qaban qaabada ee shirkii Taleex ee hogaaminayay Prof. Cali Khaliif Galaydh. Read More ...

Kenya iyo Ethiopia oo isku afgartay in maamul goboleed loo dhiso gobolada Jubooyinka iyo Gedo 29 Jan 2012
Kulan ay ka qeyb galeen wasiirada arimaha dibadda, difaa iyo amniga ee Kenya iyo Ethiopia oo 12-13kii bishan Janaayo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ayay wafuuda ka kala socotay labada dal ku gorfeeyeen xal uhelida arinta Somalia, gaar ahaan sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidamo kasocda labada dal.Hadaba qoraal dheer oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda ee Ethiopia ayaa lagu qeexay waxyaabihii lagu heshiiyay ee kasoo baxay kulanka.Waxaana ugu muhiimsanaa in maamul ka kooban Ahlusunna waljamaaca,Raaskambooni iyo TFG laga dhiso sadaxdaa gobol.Halkan ka akhri qoraalkii kasoo baxay wasaarada Arimaha dibadda ee Ethiopia Aweek in the Horn

Wasiirkii Maaliyada ee Kenya Uhuru Kenyatta oo iscasilay 27 Jan 2012
Wasiirkii maaliyada ahna Ra'isulwasaare kuxigeenka Dowlada wadaaga ah ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iscasilay kadib kolkii maxakamadii caalamiga ee Heeg ay ku eedaysay inuu ku lug lahaa rabshadihii dhiiga badan ku daatay ee sanadkii 2007 ka dhacay dalka Kenya. Read More ...

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 Next >>

 

31 Jan 2012



MAQAALLO - SOMALI

Xaqiiqda dhiiga garissa lagu daadin hayo WQ Abdullaahi fiiq06 Feb 2012

Bishaar cabdi nuur oo kugeeriyooday magaaladda dhanaan.þ17 Jan 2012

Hambaly:Khaliif Maxamed Mahad iyo Nimco Badal oo arooskoodu kadhacay Stockholm13 Jan 2012

C/salaam Shukri Abdi iyo Kawsar axmed maxamed fidaar 10 Jan 2012

Maxamed Qorane Gabdi Geelle iyo marwo Xaawo Maxamuud Salax oo dhawaan ku aqal galay magalada stockholm 01 Jan 2012

Maxamed Dhaqane Cabdi Waceeys oo ku geeriyooday magaalada Dhanaan01 Jan 2012

Tacsi:CABDI NAASIR MAXAMED SHARIIF SH MAXABUUB oo ku geeriyooday Dagmada Dhanaan29 Dec 2011

Magac lagu wareeray!þ26 Dec 2011

Main Islamist parties take 65% of second-round votes 24 Dec 2011

Tacsi:TAWANE AXMED XAAJI oo ku geeriyooday magaalada GARISSA23 Dec 2011

   
 

 

© 2010 Dhanaan.com All Rights Reserved .

Designed by Somalitech.com